Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ( Americo ) ayaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho. Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, qiimeynta guulaha la gaaray, iyo horumarka laga…
Anbabaxa markabka Çağrı Bey, oo muddo laba maalmood ah marti ku ahaa Dekedda Muqdisho.
IMG_4349 Anbabaxa markabka Çağrı Bey, oo muddo laba maalmood ah marti ku ahaa Dekedda Muqdisho.
Munaasabadda Soo Dhaweynta Markabka Qodista Shidaalka ee Çağrı Bey
Munaasabadda Soo Dhaweynta Markabka Qodista Shidaalka ee Çağrı Bey Maanta Dekedda Muqdisho waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay markabka Çağrı Bey oo u yimid bilaabidda howlaha qodista shidaalka ee badda Soomaaliya. Tani waa tallaabo muhiim ah oo ka tarjumeysa horumarka…
Maamulka Dekadda Muqadisho waxa uu bulshada la wadaagayaa in si nabad ah ugu soo xirday Dekedda Muqdisho markabka Çağrı Bey, kaas oo u yimid bilaabista qodista shidaalka ee laga fulinayo badda Soomaaliya.
Maamulka Dekadda Muqadisho waxa uu bulshada la wadaagayaa in si nabad ah ugu soo xirday Dekedda Muqdisho markabka Çağrı Bey, kaas oo u yimid bilaabista qodista shidaalka ee laga fulinayo badda Soomaaliya.
Maamulka Dekedda Muqdisho, oo ay hoggaaminayaan maareeye ku xigeennada Dr. Cali Xaaji iyo Cabdullaahi Kaarshe, ayaa kulan la yeeshay Dawud Zhao oo ka socda Shiinaha, kana shaqeeya saadka iyo loojistikada. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta qulqulka badeecadaha iyo sidii loo yarayn lahaa saameynta taban ee uu ganacsigu ku leeyahay marinka Hormuz. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda iskaashi dheeri ah oo lagu horumarinayo adeegyada loojistikada iyo isku xirka ganacsiga.
Maamulka Dekedda Muqdisho, oo ay hoggaaminayaan maareeye ku xigeennada Dr. Cali Xaaji iyo Cabdullaahi Kaarshe, ayaa kulan la yeeshay Dawud Zhao oo ka socda Shiinaha, kana shaqeeya saadka iyo loojistikada. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta qulqulka badeecadaha iyo sidii loo…
Intii uu socday Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka, wafdi uu hoggaaminayay Mudane Amb Mohamed Ali Nur (Americo), Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka iyo saadka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Naif Saleh Samkari, Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badda iyo Najla Alfarraj, Khabiir ku takhasustay Arrimaha Deegaanka. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga arrimaha badda, hirgelinta is afgaradka labada dhinac, iyo istaraatiijiyadda (IMO)ee ilaalinta deegaanka iyo yareynta qiiqa.
During the International Transport and Logistics Forum, a delegation led by H.E. Amb. Mohamed Ali Nur (Americo) the Director General of the Mogadishu Port Authority, held a high-level meeting with representatives from the Ministry of Transport and Logistics of the Kingdom…
Wafdi uu hoggaaminayo Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, kana wakiil ah Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa gaaray magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka, halkaas oo ay kaga qayb galayaan Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka. Madashan oo maanta ka furantay St. Petersburg, Russia, ayaa lagu gorfeynayaa arrimaha cusub ee ka soo kordhay marinada muhiimka ah ee caalamka, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isu socodka badeecadaha dunida. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa halkaas ku soo bandhigi doonta sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada isbeddellada iyo horumarka ka socda gaadiidka iyo saadka caalamiga ah. Maareeyaha iyo wafdigiisa waxaa sidoo kale soo dhaweeyey, isla markaana ku wehelinaya barnaamijka, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Danjire Maxamed Abuukar Zubeyr.
A delegation led by H.E. Ambassador Mohamed Ali Nur (Americo), The Director General of Mogadishu Port Authority, Representing the Minister of Ports and Marine Transport of the Federal Government of Somalia, H.E. Abdulkadir Mohamed Nur, Arrived in St. Petersburg, Russia to…
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa hoggaaminaya wafdi ku sugan St. Petersburg, Russia. si ay uga qayb galaan Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka (ITLF), oo soconaysa 1–3 Abriil 2026. Madashan waxay diiradda saareysaa horumarinta gaadiidka iyo saadka, wadaagga teknoolojiyadda casriga ah, iyo xoojinta iskaashiga ganacsi ee caalamiga ah.
The Director General of the Mogadishu Port Authority, H.E. Ambassador Mohamed Ali Nur (Americo), is leading a delegation in St. Petersburg, Russia. to participate in the International Transport and Logistics Forum (ITLF), which will take place from 1–3 April 2026.The forum…
Wafdi ka socday Akkon Lines ee Türkiye ayaa booqasho ku yimid Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ku kormeereen howlaha dekedda isla markaana lagu soo bandhigay fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga iyo logistics
Wafdi ka socday shirkadda Akkon Lines ee Türkiye ayaa maanta booqasho rasmi ah ku imaaday Dekedda Magaaladda Muqdisho, waxa soo dhaweeyay maareeyaha guud ee dekedda muqdisho Mudane Danjire mohamed ali nur (Americo) iyagoo u kuur-galay howlaha dekedda iyo fursadaha iskaashi ee…





